War murtiyeed kasoo baxay shirkii madaxda dalalka dariska la ah

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah, oo ay wada qaateen madaxda dalalka dariska la ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagaga arrin sanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagula dagaalayo Alshabaab, iyadoo madaxdu ay falan qeeyeen hannaanka fulinta qorshaha.

Shirkii ayey ku yeesheen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogagga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii ay kula wareegeen deeganno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

War murtiyeedka ayaa lagu xusey qodobo badan, oo ay kamid yihiin taageerista dowladda Soomaaliya, adkeynta xiliga kala guurka ee ciidamada ATMIS ay baxayaan, go’aan ku gaarista mideynta hawl galada ciidanka, iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey.La isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore uga jira ciidamada ATMIS laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale.2. Waxaa la go’aamiyey in la dhiso hannaan la isugu dubbaridayo hawlgallada iyo awood mid ah oo cadowga lagu wajahayo.

Article share tools

Latest articles

spot_imgspot_img

Related articles

Leave a reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_imgspot_img