Wax ka ogaaw wadamada diiday in la meel mariyo ansixinta in aan la gubin Quraan ka kariimka

Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo aad u kala qaybsan ayaa ansixiyay qaraar muran dhaliyay oo wadamada ku booriyay inay wax ka qabtaan, ka hortagaan oo ay dacwad ku soo oogaan falalka iyo u doodista nacaybka diimaha, kadib dhowr nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka lagu gubay Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan.

Qaraarkan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo reer galbeed ah, kuwaasoo ku dooday inuu ka horimaanayo shuruucda xorriyatul qawlka. Arbacadii, ayaa qaraarka la meelmariyay, 28 dal ayaana u codeeyay, 12 dal way diideen, 7 way ka aamuseen.

Latest articles

spot_imgspot_img

Related articles

Leave a reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_imgspot_img